UJEEDADA XISBIGA

UJEEDADA XISBIGA

Ujeedada xisbigani waa in la samatabixiyo Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.Xisbiga waxa uu rajeynayaa in la helo muwaadiniin sax ah oo hoggaanka dalka kala fogaada fara gelinta shisheeye shacabkana ku wacyi geliya waddaniyadda iyo isjacaylka.Xisbushacab wuxuu doonayaa in laga sii jeediyo xabbadda shacabka.Hantida waddanku waa shacabka hantida shacabkuna waa waddanka sidaas ayaa sax ah.shakhsi kastaaba waa inuu lahaado hanti uu ilaaliyo hanti kastaana waa in ay ku tiirsanaato xafidaad uu xafido hantiiluhu.Xisbushacab ma wato ajande khaaraji ah waxaana uu xisbigu ku tiirsan yahay shacabka soomaaliyeed waxaana ay tahay muhimadda xisbigu midnimada dalka iyo horumarinta nolosha madaniga ah ee shacabka. waxaana ahmiyadda koowaad leh nolosha iyo sharafta muwaadinka soomaaliyeed ee madaniga ah.Ujeedada xisbigu waa in dalka la gaarsiiyo heer uu qofka madaniga ahi uu ka muhiimsan yahay qofka siyaasiga ah.xisbushacab waa xisbi ka turjumaaya shacabka kana madax banaan qabyaalad iyo eex.waxaa uu xisbigu doonayaa in shacabku xor u noqdo inuu doorto qawaaniinta iyo sharciyadda lagu hoggaaminaayo wuxuu xisbigu farta ku fiiqayaa dhamaan dublumaasiyiinta minjo xaabinaaya jiritaanka jamhuuriyadda soomaaliya ee xorta ah.

Ajandaha xisbushacab loo abuuray ayaa waxa uu yahay in shacabka soomaaliyeed loo helo dal xor ah, caddaaladda ijtimaaciga ah karaamada iinsaaniga ah iyo nolosha kariimka ah. si marka intaa loo gaaro ayey tahay

1= in shacabka soomaaliyeed lagu baraarujiyo barnaamij wadaniyadeed iyo in la raadiyo sababaha ay dhibaatooyinka is daba joogga ahi uga jiraan wadanka soomaaliya iyo sababta shacabku uga nasan waayey dhibaatada illaa iyo markii la asaasay ururkii xornima doonka ahaa ee S Y L sanadii 1943 markay isku dayeen dhalin yaro soomaali ahi in ay ka baxaan gacanta gumeystaha. xisbigu wuxuu raadinayaa marin habowga ku yimid dadaalkii syl. SYL miyaa laga xaday tawrradii ay abuureen mise maskax doodii ayaa la dhaqay ileen xoriyaddu sidan mahee?

2= in la raadiyo dhacdooyinkii hore iyo kuwii dhexeba si loo helo dariiq loo maro dib u heshiisiinta. waxa muuqata in uu maqan yahay furihii qolka dib u heshiisiinta. sida uu xisbigu qabana waxa la maqan furaha loolan siyaasadeed oo qarsoon oo garab socda kacdoon kasta oo uu shacabku ku doonaayo xor u noqoshada qaab dhaqameedka noloshooda.

3=muwaadiniin soomaali ah oo ka xun dhibaatooyinka naxariis darada ah ee kudhacaya shacabka soomaaliyeed aya aabuuray fikraddan si loo ga baxo dhibaatada hari weydey ee haysata ummadda muslimka ah ee soomaaliyeed. aragtida xisbigan waxaa ka mid ah in shacabka la tuso xumaanta ka dhalata ku dhaqanka qabyaaladda.kibirka iyo islaweynida,nifaaqa iyo mahad naq la,aanta,iyo inkiraadda xukumka rabbi. waxaas oo dhan ayaa xisbigani wuxuu u arkaa qaarka mid ah albaabada ayxumaantu ka soogasho.

4=wadaniyaddu waa dhowrista sharciga u degsan wadanka

sharcigu waa wax uu shacabku heshiis ku yahay. oo uu shacabku aqlabiyad ku doortay. waxa qaldamay fahamka wadaniga ama daacad u ahaanshaha wadanka.waxa naloo baray wadaniyadda ilaalinta madaxda markaas xukumka haysa oo weliba ah xukuumad ku timid si sharci darro ah.mar hadii aan shacabku soo dooran sharci ma,aha.waxa ay arintu sidaas soo ahayd mudadii ay soomaaliya calamka lahayd oo dhan. sidaa darteed waxa qaldamay nolosha qofka caadiga ah ee soomaaliyeed.waxana la waayey xuquuqdii madaniga ee uu qofku ku lahaa wadankiisa.waxa kaloo lumay xaqii uu wadanku ku lahaa muwaadinka.si dib u hahabayn loo sameeyo waxa xisbigu doonayaa in la helo xaqiiqada. mad madow gana laga saaro siyaasadda soomaaliya.

5=shacabka soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in la xaq dhowro jiritaan kooda.shacabka soomaaliyeed waxay ka mid yihiin shucuubta caalamka. waxayna leeyihiin mas,uuliyad iyo waajibaad.sidaas darteed xisbigani wuxuu ka mid noqonayaa hay,adaha ama ururada siyaasadeed ee madaniga ah ee u taagan samata bixinta jiritaanka jahuuriyadda soomaaliya oo mid ah.

6= xisbushacab wuxuu soo dhoweynayaa muwaadan kasta oo soomaaliyeed oo ku soo biiraaya xisbiga. waxa laga rabaa oo keliya inuu qofku waafaq san yahay mab.da,a guud ee xisbiga. oo ah in soomaaliya ay tahay jamhuuriyad

xor ah, mid ah, muslim ah, carab ah. oo aan loo yeerineyn

qaab dhaqanka iyo manaahijta wax barashada.

 

xorna u ah anshaxa shacabka iyo faaf reebka dhaqan xumida. ayna muhiim tahay xaqdhowrka xuquuqul iinsaanka iyo xorriyatul qawlka. waxana ka mamnuuc ah aragtida xisbigan in la cuburiyo qof ama urur doonaaya inuu soo bandhigo aragtidiisa siyaasadeed, waxase mumnuuc ah in la afduubo rabitaanka shacabka.